Yaa Ka Dambeeyey Qarixii Af-urur , Puntland ayaa Gacanta Ku Dhigtay

Yaa Ka Dambeeyey Qarixii Af-urur , Puntland ayaa Gacanta Ku Dhigtay

Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta ku dhigtay raggii soo abaabuley qarixii dhowaan dadka shacabka ah iyo ciidanka lagula beegsaday deegaanka Af-urur ee duleedka buuraleeyda Galgala ee gobolka Bari.

Gaashaanle Dhexe Cabdrashiid Cabdiraxiin Ismaaciil taliyaha ciidanka madaxtooyada Puntland oo hadal kooban ku soo qoray bartiisa Facebooka ayaa sheegay dadkan la qabtay in ay isugu jiraan rag iyo dumar.

Taliyaha ayaa sheegay in dadka gacanta lagu dhigay ee ka dambeeyey qaraxaasi ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah sharcigana la marsiin doono.

Qaraxaasi oo lagu qariyey kabar qaadka laga iibsado hoostiisa ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Alshabaab oo ka dagaalanta buuraleeyda Galgala.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com