Xuutiyiinta Yaman oo siidaysay Maraakiib u afduubnayd

Xuutiyiinta Yaman oo siidaysay Maraakiib u afduubnayd

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa siidaysay seddex Markab oo ay afduub ahaan u hesyteen.

Maraakiibtan ayaa laga lahaa waddanka kuuriyada koofureed.

Siideynta Maraakiibtaasi ayaa waxaa xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda kuuriya Koofureed.

Seddexda Markab labo ka mid ah waxaa ka babanayey calanka Kuuriyada Koofureed, halka kan kale uu ka babanayey calanka Sacuudiga, waxaana saarnaa 16 shaqaale.

Hussein al-Azzi, oo ah ku xigeenka madaxa arrimaha dibadda ee kooxda Xuutiyiinta ayaa sheegay inay siidaayeen maarakiibtaasi, maadaama uu xiriir wanaagsan ka dhexeeyo Yemen iyo Kuuriyada Koofureed.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir Bosaaso.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com