Xusni Mubaarak Madaxweynihii hore ee Masar oo geeriyooday

HomeWararka

Xusni Mubaarak Madaxweynihii hore ee Masar oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee Masar, Xusni Mubaarak ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada caasimadda ah ee Al Qaahira xilli qalliin lagu sameynaayay

Raysal wasaare Khayre oo Dhuusomareeb kuqaabilay wafdi kasocda IGad iyo AU (sawiro)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Dhuusamareeb (dhegayso)
Warbixinta Tartan & Tacliin: Gambool Sare fkf Faarax Maxamuud Boocame iyo , Sheekh Xaamud Secondery Iskuul (daawo)

Madaxweynihii hore ee Masar, Xusni Mubaarak ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaal magaalada caasimadda ah ee Al Qaahira xilli qalliin lagu sameynaayay sida uu baahiyey Telefashinka Qaranka dalkaas.

Xusni Mubaarak xilk waxaa uu qabtay 1981,waxaana uu maamulayay ilaa 2011-kii, waxaana xilka ka tuuray militariga kaddib kacdoonkii Guga Carabta ee ka dhacay dalkaas.

Maxamed Xusni Mubaarak ayaa waxaa uu ku geeriyoodey da’da 91 sanado ayuu Xabsi ku jiray, isaga oo xurriyadiisii dib u helay sanadkii 2017.

Hadaba Waa Kuma Xusni Mubaarak?

Maxamed Xusni Mubaarak waxa uu ahaa Madaxweynihii Afaraad ee dalka Masar. Waxa uu maamulay dalka Naaneystiisu tahay Faraacinada mudo dhan 30 Sano laga soo bilaabo 14 October 1981–11 February 2011.

Waxa uu ku baxay Kacdoonkii Guga Carabta ee ay Hogaamiyayaal badan xilkoodii ku waayeen.

Xusni Mubaarak ayaa ku dhashay Xaafadda Nile Delta 4-May- 1928. Wuxuu qeyb kasoo ahaa Ciidamada Booliska iyo Kuwa difaaca Hawada Masar.

Sanadkii 1949 ayuu ku biiray Ciidamada difaaca Hawada Masar, waxaana uu kasoo qalin jabiyey Kulliyadda Pilot-ka isagoo Taliye ciidan kasoo noqday 1972-kii.

Wuxuu soo noqday Taliye Milatari, iyo Hogaamiye Siyaasadeed. Mudo sanado ahaa ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii xilka laga qaaday basle 2017 ayuu dib u helay xurriyadiisa.

waxa uu ku geeriyooday da’da 91 xilli lagu sameynayey qalliin isagoo ku jira mid kamida Isbitaalada Masar sida uu shaaciyey Talefashinka Qaranka dalkaas.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: