Site icon Radio Daljir

Agaasimihii Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA) oo iscasilay (akhriso)

Xuseen Cismaan Xuseen Agaasimaha Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa iska casilay xilkii nabadsugidda uu ka hayay. Agaasime Xuseen Cismaan ayaa warqadiisa is casilaada u gudbiyay madaxweynaha jamhuuiyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).

Wali si dhab ah looma oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa is casilaadiisa, balse waxaa la sheegay inuu isku casilay arrimo isaga u gaar ah.

Xogo hoose oo Radio Daljir helayso ayaa sheegaya in Xuseen uu isku soo sharaxayo xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed (KG), kaddib markii uu ku guuldarraystay in uu Mukhtaar Roobow ka dhaadhiciyo in uusan Madaxweyne KG isku sharrixin.

Barta Twitterka ee NISA ayaa lagu xaqiijiyey iscasilaadda Agaasime Xuseen Cusmaan.

Exit mobile version