Xulka Karkaar oo 1 – 0 kaga badiyey Bari; Nugaal oo 4 – 1 Haylaan kaga badisay.

Garowe, Feb 06 – Waxaa maalintii 6-aad galay tartabka ciyaraha gobollada Puntland oo ay maanta isku haleeleen xulalka gobollada Bar v Karkaar, iyo Nugaal v Haylaan.

Bari v Karkaar

Ciyaarta hore oo ahayd mid aad u xiisa badan, lana is-dhaafi waayey, ayaa waxaa isku arkay xulalka Bari v Karkaar; waxaase ay ciyaartu ku dhamaatay Karkaar 1 – Bari 0 oo ay guushu ku raacday xulka Karkaar.

Xulka Karkaar ayaa u gudbay semifaynalka ciyaaraha, lana kulmi dooda xulka Mudug.

Xulka Bari oo ka mid ah xulalka ugu adag, lana filayey in uu mar kale hanto koobka tartanka ciyaaraha gobollada Puntland ayaa sidaa ku haray; xulka Bari ayaa hore u qaaday koobka 3 jeer.

Nugaal v Haylaan

Ciyaarta 2-aad ayaa dhex martay xulalka Nugaal v Haylaan, waxaana ay ahayd ciyaar xal dhinac ah oo xulka Nugaal ay xirfad iyo ciyaar wanaag aad u heer sareeya ay muujiyeen ayna si sahlan uga adkaadeen xulka Haylaan; ciyaarta ayaa ku dhamaatay Nugaal 4 – Haylaan 1, sidaasna ay guushu ku raacday xulka Nugaal.

Xulalka Sool & Sanaag ayaa beri ciyaari doona si ay u kala karaan, kii guulaystaana uu u gudi doono semifaynalka ciyaaraha.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com