Xukuumadda Soomaaliya oo shaacinaysa natiijada imtixaankii shahaadiga ahaa.

(July 13 2016)-Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Dr Cabdi qaadir Cabdi Xaashi, oo kormeerayey goobaha lagu saxayo imtixaanka shahaadiga ah ee xukuumadda Soomaaliya qaaday ayaa sheegay inay ku dhawaaqayaan natiijamada imtixaanka.

Wasiirku waxa uu shaaciyey in wasaaraddiisu ay mudo labo todobaad ah kadib ku dhawaaqi doonto natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee sanadkaan ay qaaday dowlada Soomaaliya.

Dr Cabdi qaadir Cabdi Xaashi, ayaa ku booriyey macalimiinta saxaysa imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaaday xukuumadda Soomaaliya inay u cadaalad sameeyaan ardayda Imtixaanka loo saxayo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah imtixaan shahaadi ah ka qaaday qaar kamid ah bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, inkastoo uu muran kala dhexeeyey dalladaha waxbarashada madax banaan.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com