Site icon Radio Daljir

Xukuumadda R/wasaare Gaas oo warsaxaafadeed ka soo saartay qabsashada Dayniile ee Muqdisho.

(Muqdisho, Oct, 20 – Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay Degmada Dayniile oo ah tii ugu dambeysay ee ka tirsan magaalada Muqdisho ee ay gacanta ku hayeen kooxda xagjirka ah ee Al-Shabaab kaddib markii ay howlgal sameeyeen ciidamadu.

Degmada Dayniile waa degmo muhiim ah oo magaalada Muqdisho ku xirto gobollada Shabellooyinka.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdulkariim Yuusuf (Dhago-badan), ayaa yiri:

?Waan sii wadeynaa howlgallada si aan dalka uga xoreyno kooxda jid iyo jiho-diidka ah. Inta ay ciidankeenu wadaan howlgalkooda waxaan ka taxadari doonaa sidii loo yareyn lahaa khasaaraha soo gaaraya shacabka iyo hantidooda.?

Dhinaca kale, ciidamada Dowladda ayaa horumar wanaagsan ka sameeyay dhinaca gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo ciidanku ka qabsadeen cadowga degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolkaas.

DHAMMAAD

Daljir.com

Exit mobile version