Xukuumadda maanta la magacaabay oo noqotay tii ugu haweenka badnayd.

Xilli maanta magaalada Muqdisho looga dhawaaqay liiska xubnaha cusub ee golaha wasiirada oo si weyn loo sugayey ayaa haweenka Soomaaliyed waxay ka heleen saamigii ugu badnaa abid.



Raisul wasaaraha Somalia ayaa ku dhawaaqay liiska 1 raisul wasaare ku-xigeen 26 wasiir, 26 wasiir ku-xigeen iyo labo wasiiru dowle.



Haweenka Soomaaliyeed ayaa waxay golaha wasiirada ka heleen illaa shan wasiir iyo labo wasiir ku xigeen.



Arrintan ayaa noqotay mid ku cusub hanaankii lagu dhisi jiray Xukuumadihii hore oo haweenku ay ka heli jireen hal ama labo wasiir iyo labo wasiir ku-xigeen.



Xubnaha ay haweenku ka heleen liiska cusub ee golaha wasiirada ayaa waxay kala yihiin sidatan:



1-Xildhibaan Maryan Aweys Jaamac (Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka Badda)
2-Khadra Axmed Ducaale (Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha)
3-Deeqo Yaasiin Xaaji Yuusuf (Wasiirka haweenka iyo xuquuqul Insaanka)
4-Fowsiya Abiikar Nuur (Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada)
5-Drs. Maryan Qaasim Axmed (Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka)
6-Fahmo Axmed Nuur (Wasiir ku-xigeenka qorsheynta, maalgeshiga iyo horumarinta dhaqaalaha)
7-Samra Ibraahim Cumar (Wasiir ku-xigeenka haweenka iyo xuquuqul Insaanka) 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com