Xudnaha gudiga dabagalka Doorashooyinka Puntland oo la magacaabay (Dhegaysi+Sawiro)

Garoowe, June, 19, 2013, Hay?adda cilmi baarista iyo horumarinta Dimuqraadiyada Puntland ee PDRC ayaa maanta Garowe kusoo bandhigtay 9 (sagaal xubnood) oo ay sheegtay inay noqonayaan guddi dabagal ku sameynaya doorashooyinka golayaasha deegaanka Puntland oo15ka bisha 7 aad dhacaya degmooyinka Puntland.
?
Hay?addu, waxay sheegtay inay xubnahaan kala tashatay guddiga doorashada Puntland, Ururada siyaasada iyo qeybaha bulshada, ?Waxayna intaa ku dartay in juhdi lagu bixiyay xulistooda.
?
Cali Faarax oo ah Xiriiriyaha PDRC ayaa sheegay inay dadkaan kasoo kala xuleen ururada bulshada rayidka ah iyo ururada siyaasada Puntland.
?
?
Gudoomiyaha guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland Maxamed Xasan Barre oo ka hadlay goobta ayaa sheegay guddigaan inuu u madax banaanyahay arin kasta oo la xiriirta doorashooyinka dowladdaha hoose .
Mudane Barre ayaa sheegay ku dhawaaqida guddigaan inay meesha ka saarayso tuhunkii laga qabay dhex dhexaad ka ahaanshaha doorashooyinka.
?
Wakiilo ka socday 4 urur siyaasadeed oo kala ah UDAD, Horcad, Wadajir & Horseed ayaa goob joog ku ahaa madasha xubnahaan lagusoo bandhigayay.
?
Doorashooyinka golaha deegaanka ee Puntland ayaa waqtiga ?loo cayimay waxaa ka harsan mudo 26 maalmood ah, Waxaana haatan guddiga doorashadu wadaa qaban qaabo loogu diyaar garoobayo qamsoomida doorashadaas.
?
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
Garoowe
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
\"\"\"\"
?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com