Xubno kasocda Aqalka sarre oo maanta gaaray Garoowe (dhegayso/Sawiro)

Xubno kasocda Aqalka sarre oo maanta gaaray Garoowe (dhegayso/Sawiro)

Wafdigii ugu horeeyay ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u diro Dowlad Goboleedyada dalka si ay u baadi goobaan xal waara iyo isfaham ka dhex dhasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo sidoo kale madaxda Dowlad Goboleedyada dhexdooda ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Wafdiga waxaa magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan Dowlad-goboleedka Puntland iyo Guddoomiyaha Guddiga xalinta qilaafaadka u xilsaareen Aqalka sare Dhinaca Puntland Sanatar C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole oo halkaasi uga sii horeeyay.

Wariye Xaawo Axmed maxamed ayaa warbixintan Garowe kaso dirtay

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com