Xubno ka tirsan shaqaalaha PO & Ports oo dalka ka dhoofay iyo xaalka Dekedda Bossaso (wareysi|daawo)

Xubno ka tirsan shaqaalaha PO & Ports oo dalka ka dhoofay iyo xaalka Dekedda Bossaso (wareysi|daawo)

Xubno ka mid ah shaqaalihii ajaaniibta ahaa ee shirkadda PO & Ports ee Dekedda Bossaso ayaa maanta dalka ka dhoofay, kaddib markii dhawaan halkaas lagu dilay maamulihii shirkadda kaas oo aan illaa iyo hadda maydkiisa la aasin. Sidaas oo ay tahayna maamulka Puntland ayaa wali ku adkaysanaya in haba-yaraatee aan maamulkii dekedda waxba iska baddalin oo ay si buuxda gacanta ugu hayso shirkadda PO & Ports.

Dhanka kale waxaa Bossaso gaaray cutubyo si gaar ah u hubeysan oo ka tirsan ciidamada Puntland kaddib markii uu sidaas amray madaxweynaha hadda la doortay ee Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Arrimahaas iyo kuwa kale oo isla xaaladahaan khuseeyaba waxaa Radio Daljir uga warramay Wasiirka Dekedaha Puntland Saciid Max’ed Raage. Waxa uu u warramay Axmed Sh. Max’ed Tallman.

Hoos ka dhegayso.

Hoos kadaawo sido kale

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com