Xubno ka Tiran Al-Qaacida oo lagu Dilay Yemen

Khamiis, Feberaayo 04 2016 (Daljir) —Diyaaradaha Mareykanka ee aan duuliyaha lahayn ayaa duqeyn ay xalay ka geysteen Koonfurta Dalka Yemen ku dilay 12 ka mid ah Xubnaha Ururka Al-Qaacida ee Dalka Yemen ka Hawlgala, kuwaasoo ay ku jiraan laba hoggaamiye oo sare.
 
Mid ka mid ah Duqeymahan ayaa lagu Qaaday Magaalada Al-Rawda ee Gobolka Shabwa, Duqeyntaasoo lagu dilay 12 dagaal-yahan, kuwaasoo la sheegay inay ku jireen Xubnaha ka tirsan Al-Qaacida ee ka Hawl-galla Waddanka Yemen.
 
Weerarka kale ee duqeynta ah ayaa lagula beegsaday gaari ay wateen Xoogag ka tirsan Al-Qaacida oo watay gaari, xilli ay marayeen xeebta gobolka Abyan ee dalka Yemen, halkaas oo lagu dilay lix xubnood oo kale.
 
Sidoo kale, Warbixintaan ayaa lagu Xusay in raggan lagu dilay Gobolka Abyan uu ka mid ahaa Jalal Baleedi oo la sheegay inuu ka mid ahaa Hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ururka AQAP ee Al-Qaacida ku xiran ee ka dagaallama Yemen.
Hoggaamiyahan la dilay ayaa la xusay inuu muddo Sanado ah ahaa madaxa kooxda AQAP ee Yemen, kuwaasoo dalka Yemen ka geystay weerarro kala duwan oo lagu dilay saraakiil iyo dad kale oo shacab ah.
 
Yemen ayaa waxaa Sannadihii u dambeeyay ka socday Dagaallo Sokeeye oo Xuuthiyiinta mucaaradka ah ee dalka Yemen iyo ciidamada xukuumadda; iyadoo laga saaray ciidamada Dowladda deegaanno badan oo ay Sanca ku jirtay, laakiin dhawaanahan ayaa dib loo riixay mucaaradka Xuuthiyiinta ah.
 
Ugu dambeyn, kooxda AQAP ee dalka Yemen oo xiriir la leh Al-Qaacida ayaa sii xoojiyay dagaalladooda, tan iyo markii ay Dagaallada Sokeeye Yemen ka Qarxeen iyagoo Qabsaday deegaanno dhawr ah oo aysan horay gacanta ugu hayn.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com