Xubno argagixisada Al-shabaab iyo Daacish (ISIS) oo Puntland lagu xukumay (sawirro)

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland ayaa maanta xukuno kala duwan waxa ay ku ridday xubno ka tirsan kooxaha Argagixisada ee Shabaab iyo Daacish (ISIS) oo falal isugu jira dilal iyo qaraxyo ka gaystay geyiga Puntland. Goobta uu xukunka ka dhacay waxaa goobjoog ka ahaa saraakiisha laamaha amniga, Xeerilaalinta iyo garsooreyaal sare.

Tirada maleyshiyaadka la xulumay ayaa gaaraysa 19  qof oo laamaha amniga ay ka soo qabteen meelo kala duwan. Ciidamada ayaa sidoo kale waxyaabaha qarxa ka soo qabtay Xaafada Buuraha ee dhanka bari ee magaalada Bossaso.

Puntland ayaa dagaal kula jirta Ururada Daacish iyo Shabaab ee ku dhuumaaleysta buuraayda Golis iyo Calmadow.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com