Xubintii Ciyaaraha: Xulka Jubaland oo Ballanqaadyo Helay (dhegayso)

HomeCiyaaraha

Xubintii Ciyaaraha: Xulka Jubaland oo Ballanqaadyo Helay (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni | Waxaa fududeysay shirkadda Somtel - Share Your World Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soo

Xubintii Ciyaaraha: Waa Mar Kale iyo Champions League (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
LeBron James, Cleveland Cavaliers, of Jabiyey Rikoorkii Kariim Cabdul-Jabbaar

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni | Waxaa fududeysay shirkadda Somtel – Share Your World

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa qado sharaf u sameeyay xulka kubadda cagta Jubbaland ee dhawaan ku guulaystay Koobka Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha ayaa ciyaartooyda ku booriyay in ay u diyaargarooban tartamada kale isla markana dhawaan ay bilaabi doonan hannaan mushaar oo bil walba ay ku qaadan doonan, dib-u-habayna lagu samayn doono xiriirka Kubadda Cagta iyo Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, si ay hawlaha dhalinyarada iyo Ciyaaraha la xiriira u noqdaan kuwo taabbagala.

Dhankaas iyo carro Ingiriis, waxaa la ciyaaray hal kulan oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska, kooxda Arsenal ayaana guul ay u baahnayd gaadhay xili suuqa kala-iibsiga ciyaartoydu uu furmaya waqti aan fogeyn. Tabaraha Arsenal ayaa doonaya in uu iska iibiyo ciyaartoy diiday qandaraas kordhinta kooxda.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yameni iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso falaanqeynta maanta iyo xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

  

  

  

  

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: