Xubintii Ciyaaraha: Virgil van Dijk oo Liverpool wacdaro u dhigay (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni | Waxaa fududeysay shirkadda Somtel | SOMTEL –  Share Your World

Waxaa la ciyaaray kulamo ka tirsana koobka labaad ee Ingiriiska ugu qaalisan ee FA Cup, kooxda Liverpool ayaana guul muhiim ah gaadhay. Waxaa shabaqa soo taabtay ciyaaryahan dhanka daafaca dunida xiligan ugu qaalisan ee Virgil van Dijk.

Kooxda Chelsea ayaa ku dhawaaqday in ay la soo wareegtay ciyaaryahankii kooxda Everton khadka dhexe uga ciyaari jiray ee Ross Barkley. Qiimo aan qaali ahayn ayey kooxda Chelea ciyaaryahankan ku heshay marka loo fiiriyo marxalada suuqa kala iibisiga ee xiligan.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yameni iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso falaanqeynta maanta iyo xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

  

  

  


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com