Xubintii Ciyaaraha: Real Madrid oo rajo-dhig ah iyo Arsenal oo soo labakacleysey (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha: Real Madrid oo rajo-dhig ah iyo Arsenal oo soo labakacleysey (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni | Waxaa fududeysay shirkadda Somtel | SOMTEL –  Share Your World

Waxaa la ciyaaray kulamo ka tirsana horyaalka Premier League ee dalka Ingiriiska, kooxda Arsenal ayaana guushii ugu weynayd ka gaadhay Everton. Ciyaaryahanka cusub ee kooxda, Pierre-Emerick Aubameyang, ayaa kulankii ugu horeeyay gool ugu daahfuray kooxdiisa cusub.

Dhanka horyaalka Spain, kooxda Real Madrid ayaa barbardhac la gashay kooxda tabarta yar ee Levante oo marti loo ahaa. Real ayaa u muuqata mid aan sannadkan difaaci karin horyaalka Spain, laakiin rajo ka qabta in ay guul ka soo hoyiso kulanka aad loo dhowrayo ee PSG iyo koobka Yurub.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yameni iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso falaanqeynta maanta iyo xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com