Xubintii Ciyaaraha: Philippe Coutinho ma Barcelona mise PSG? (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha: Philippe Coutinho ma Barcelona mise PSG? (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni

Kooxda Barcelona ayaa Liverpool kala hadli doonta ciyaaryahanka reer Brazil ee Philippe Coutinho. Coutinho ayaa waligiis jeclaa in uu mar un u ciyaaro Barcelona, hadana waxa uu si cad Liverpool uga codsaday in hawsha loo fududeeyo, oo uusan rajo ka laheyn Liverpool. Barcelona kaliya ma aha laakiin hadda waxaa soo baxaya warar sheegaya in PSG Faransa ay Coutinho miiska mar dhow u soo saari doonto lacag aan la arag oo horay loo maqal, si uu ugu biiro saaxiibadi Neymar and Kylian Mbappe. Laakiin Liverpool ma yeeli doontaa?

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

  

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com