Xubintii Ciyaaraha: Mauro Icardi ma Real Madrid baa? (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni | Waxaa fududeysay shirkadda Somtel | SOMTEL –  Share Your World

Waxaa la ciyaaray kulamo ka tirsana horyaalka Ingiriiska kooxda Arsenal 1-3 ayaana guuldarro xanuun badan kala kulantay Swansea City. Arsenal oo sannadkan suuqa kala-iibsiga lacag badan galisay haddana waxaa halkii ka sii socda guuldarrooyinka isdabajooga ah ee ku socota Arsenal.

Real Madrid ayaa wakiilo u dirtay Talyaaniga si loo soo gabagabeeyo heshiiska ay ku doonayaan Mauro Icardi, kabtanka kooxda Inter Milano. Icardi oo sannadkii 2016 heshiis 5 sano ah u saxiixay Inter ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa in uu aad u rabo kubiiridda Real.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yameni iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso falaanqeynta maanta iyo xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

  

  

  

  

  

  

  

  

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com