Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Usmanov oo Iibinaya Saamigiisa Arsenal (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Usmanov oo Iibinaya Saamigiisa Arsenal (dhegayso)

Alisher Usmanov oo ka mid ah ragga saamiga ku leh kooxda Arsenal ayaa diyaar u ah in uu iibiyo saamigiis kooxda. Sida la soo warinayo, waxaa mudooyinkii ugu danbeeyay soo baxayey in ninka saamiga ugu badan Arsenal ku leh Stan Kroenke uu doonayo in uu iibsado saamiga Alisher Usmanov.

Dhanka Koobka Adduunka, waxaa dib loo ciyaari doona kulamo ka tirsan is reebreebka koobka aduunka ee sannadkan 2018 lagu qaban doono dalka Ruushka. Xulalkii adduunka ugu caansana ee kubadda cagta ayaa laga sheegayaa shaki ah in badankoodu ay ka soo muuqan doonan koobka iyo in kale.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

     

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com