Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Barcelona iyo Coutinho (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Barcelona iyo Coutinho (dhegayso)

Ciyaaryahankii kooxda Arsenal, Gabriel Paulista, ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Valencia heshiis 10 milyan Ginni ah sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan kooxda Arsenal oo mustaqbal wanaagsan u rajaynaya Gabriel Paulista oo sanadkii 2015 ku soo biiray kooxda Arsenal.

Horyaalka Ingiriiska ayaa asbuucii labaad dib loo daahfuray, waxaana la filayaa cayaaro kuwa adduunka ugu xiisaha badan oo dardar cusub mar kale la yimaada.

Kooxda musiibadu ku habsatay ee Barcelona ay dalab  dhan $125 milyan laga soo diiday ay ku doonaysay kubad sameeyaha reer Brazil, Philippe Coutinho, waana markii seddexaad oo aan dhag loo dhigin dalabyada kooxda reer Spain.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

 

 

 

 

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com