Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Arsenal 4-3 Leicester City (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha iyo cRx Yameni: Arsenal 4-3 Leicester City (dhegayso)

Waxaa dib-u-furmay horyaalka Ingiriiska oo muddo kooxuhu ay fasax ahaayeen. Kulankii furitaan ayaa ahaa mid dhexmaray Arsenal fkf Leicester City, ahaydna ciyaar aad loola yaabay oo ka dhacday garoonka Emirates ee kooxda Arsenal.

Dhanka kale, kulamo kale oo xiiso gooni ah yeelan doona ayaa galabta ilaa caawa la ciyaari doona, laguna ciyaari doonaa garoomo kala duwan.

Xiriirka kubadda cagta faransiiska [FFF] ayaa xaqiijiyay in ay heleen warqadii u fasaxeysay Neymar Jr in uu u ciyaaro Paris Saint Germain (PSG) ee ku xayirneed Barcelona, isla markaana xiddiga reer Brazil uu diyaar u yahay inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeeyay.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yamani iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

 

 

 

 

  

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com