Xubintii Ciyaaraha: Guulihii isxigey ee Man City oo 18 ku ekaaday (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha: Guulihii isxigey ee Man City oo 18 ku ekaaday (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni | Waxaa fududeysay shirkadda Somtel – Share Your World

Kulamadii horyaalka Ingiriiska ayaa waxaa lagu soo afjarey guulihii isxigey ee kooxda Manchester City ayaga oo la barbardhacay Crystal Palace 0-0. Booska Man City, Pep Guardiola, ayaa mar kale ku celiyey in kooxdiisa oo aan weli laga badin 18 ciyaarood oo isxiga ay mar un guuldarro la kulmi doonto inta aan xilli ciyaareedku dhammaan.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda qaarada Yurub ayaa albaabada loo furay, koox kasta oo lacag ku og jeebkeedana waxa ay bilowday in ay boorso lacag ah suuqa la gasho si ay ciyaartoy cusub ula soo wareegaan.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yameni iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso falaanqeynta maanta iyo xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

     

Ederson oo guuldaradii ugu horraysey ee xilli ciyaareedkan ka badbaadiyey Man City

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com