Xubintii Ciyaaraha: El Clasico waa El Barca 3-0 Real Madrid (dhegayso)

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni

Waxaa fududeysay shirkadda Somtel – Share Your World

  

Dhanka cyaartii la wada sugayey ee El Clasico, Barcelona ayaa qaybtii danbe ee cayaarta si xun u jarjartay Real Madrid, ugana badisay 3-0, halka goolasha ay kala dhaliyeen Luis Suarez, Lionel Messi iyo Aleix Vidal.

Barcelona ayaa sii dheeraysay dhibcaha hoggaanka kaddib guulaha ay ka gaadhay Real Mardid. Hadana waxaa la sugayaa carada lagula dul dhici doono tababaraha Real Madrid, Zinedine Zidane, iyo hab maamulkiisii ciyaartii El Clasico, iyo Barcelona oo hadda 14 dhibcood ku hoggaaminaysa La Liga.

Kulamo ka tirsana horyaalka ingiriiska ayaa la ciyaaray, kooxda Manchester City ayaana wali sii wadda guulo xidhiidh ah.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yameni iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso falaanqeynta maanta iyo xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

  

  

  

       

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com