Xubintii Ciyaaraha: Alexis Sanchez oo weli hoy la’ iyo Henrikh Mkhitaryan oo maya yiri (dhegayso

Xubintii Ciyaaraha: Alexis Sanchez oo weli hoy la’ iyo Henrikh Mkhitaryan oo maya yiri (dhegayso

Xubintii Ciyaaraha & cRaxmaan Yameni | Waxaa fududeysay shirkadda Somtel | SOMTEL –  Share Your World

Wararka Premier League qaarkood waxa ay qorayaan in Kooxda Manchester City ayaa ku dhawaaqday in ay ka baxday xiisihii ay ku doonaysay in ay kula soo wareegto ciyaaryahanka kooxda Arsenal Alexis Sanchez’s kaddib markii uu dalbaday mushaar ay Man City ku tilmaantey “mid aan macquul aheyn!”

Warar saacado kahor la daabacey ayaa ayana sheegaya in Man United ay saxiixo doonto Alexis Sanchez, laakiin ay taagantahay xujo ah in Arsenal ay baddalkiisa United ka hesho Henrikh Mkhitaryan. Henrikh ayaa lagu soo waramayaa in uusan rabin in uu ku biiro Arsenal, taasna waa arrin xaajada oo dhan waxba-kama-jiraan ka dhigi karta.

Tabaraha kooxda Arsenal ayaa meesha ka saaray in uu wadahadal kala yeeshay kooxda reer Faransa ee Bordeaux ciyaaryahanka lagu magacaabo Malcom kaddib markii warbaahinta Ingiriiska ay qortay heshiis hordhac ah oo la yiri labada kooxood baa wada gaarey.

Waa mar kale iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha iyo Cabdiraxmaan Yameni oo ku sugan xarunta Daljir Bossaso. Yaa badiyey, yaa laga badiyey, maxaa se ka cusub naadiyada ciyaaraha adduunka? Halkan kaga bogo oo hoos ka dhegayso warbixintii koobnayd ee Yameni iyo Saaka & Xubintii Ciyaaraha!

Hoos ka dhegayso falaanqeynta maanta iyo xubintii ciyaaraha oo faahfaahsan.

  

  

  

  

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com