Xoolo dhaqato lagu dilay Mudug

Xoolo dhaqato lagu dilay Mudug

Koox hubaysan ayaa dilay sadex qof oo ka mid ah xoolo dhaqatada deegaan hoostaga degmada Bali Busle ee gobolka Mudug.

Majirto wax faahfaahin ah oo maamulka Puntland ee gobolka Mudug uu kasoo saaray dhacdadan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in koox hubaysan ay dadkan wadada u galeen.

Abaaro ayaa inta badan kajira deegaamo badan oo ka mid ah Soomaaliya, waxaana dadka arrimaha diinta ku xeel dheer ay ku macneeyeen sababaha ugu waawayn ee abaarta soo celceliso inay tahay gafafka ka imaanaya banii’aadamka oo ay ka mid tahay dhiigga la daadinayo ee sabab la’aaanta ah.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com