Xoghayihii Xafiiska RW khayre oo Hargeysa lagu xiray

Xoghayihii Xafiiska RW khayre oo Hargeysa lagu xiray

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in maalintii labaad uu halkaa ku xiran yahay Cabdiqani Yaasiin Maxamed oo ah xoghayihii xafiiska ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Hay’adaha ammaanka ee Somaliland wax war ah kama aysan soo saarin xariga mas’uulkaan, hase yeeshee warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Cabdiqani Yaasiin Maxamed ay ciidanka booliiska ee Hargeysa ka soo qabteen gurigiisa magaalada Hargeysa oo ay xireen.

Hore ayaa dad xilal ka soo qabtay dowladda Soomaaliya waxaa loogu xiray Hargaysa, ayadoo Somaliland ay meel adag ka taagan tahay dadka xilalka ka soo qabtay Soomaaliya, ama ka qayb gala shirar aysan raalli ka ahayn ee yimaada magaalooyinkeeda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com