Site icon Radio Daljir

Xoghayihii koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Xalane lagu dhextoogtay

Wararka ay Idacada Daljir ay ka helayso xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in goordhow gudaha xarunta Xalane lagu toogtay Gabar lagu magacaabo Almaas Elman.

Almaas Elman ayaa aheyd xoghayihii koowaad ee hore ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya, iyada oo ka tirsaneed hay’adda Elman waxayna toogashadu dhacday xili ay ku socotay gaari dhex marayay gudaha xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Ilaa iyo haatan lama oga cidda ka dambaysa toogashadaas hase’ahaatee waxaa la xaqiijiyay geerideeda,mana jirta cid ka hadashay arrintaan.
Diiwaanka warraka.
Radio Daljir.

Exit mobile version