Xoghayaha Ururka Saxafiiyinta Somaliyeed Nusoj Cumar Faruuq oo wali Wadda Kulamadii Waddatashiga ahaa (Sawiro)

Gudiga fulinta ee ururka NUSOJ oo uu hogaaminayo xoghayaha Guud ee ururka Omar Faruk Osman ayaa wali ku guda jira booqashada ay ku marayaan deegaanada Puntland oo hada ay ku sugan yihiin caasimada Puntland ee Garoowe.

Masuuliyiinta NUSOJ ayaa saaka kulan la qaatay masuuliyiinta wasarada Warfaafinta ee Puntland. Wasiiru Dawlaha Wasaarada Warfaafinta Puntland Mudane Ashkir Nuur, iyo wasiir kuxigeenka Warfaafinta Puntland mudane Abdirsak Omar Ismail ayaa kadib warbixin dheer oo ay ka dhegaysteen masuuliyiinta NUSOJ waxay siweyn u bogaadiyeen socdaalka masuuliyiinta NUSOJ ku yimaadeen Puntland.

Wasiiru Dawlaha iyo wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa balan qaaday in la adkayn doono wada shaqaynta wasaaradda iyo NUSOJ.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com