Xoghayaha Qaramada Midoobey oo wakiil cusub u mahacawday Somalia.

New York, Oct 04 2016–Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay BanK moon ayaa Isniintii ku dhawaaqay magacaabista Hubert Price, oo kamid ahaan jirey saraakiisha ciidanka Maraykanka u magacaabay inuu noqdo madaxa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa wariyeyaasha u sheegay in Hubert Price uu aqoon dheer u leeyahay ka shaqeynta iyo sidoo kale dar dargalinta howlaha Qaramada Midoobay ee Qaarada Afrika.

Mas’uulkaani u hadlay qaramada Midoobey ayaa sheegay Hubert Price in uu waxbadan uu ka badali doono xaalada dadka Soomaaliyeed iyo sidoo kale in uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya xilli ay dalka ka bilaabayaan howlaha Doorashooyinka.

Hubert Price ayaa Madax ka soo noqday xafiiska Qaramada Midoobey ee dalka Liberia intii u dhaxeysay  2010 ilaa 2015.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com