Xoghayaha Gobolka Benaadir ayaa tababar u xiray 150 Dhalinyaro oo la baray xirfado kala duwan

Xoghayaha Gobolka Benaadir ayaa tababar u xiray 150 Dhalinyaro oo la baray xirfado kala duwan

-Xog-hayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabbdirisaaq Xuseen ayaa maanta soo xiray tababar socday mudo saddex bilood ah oo loo Dhaliyaradda gobolka Benaadir oo gaaraya 150 dhalinyaro ah, kuwaas oo la baray xirfado kala duwan.

Degnmooyinka Wadajir, Dharkeenleey, Kaxda, Deyniile iyo Heliwaa ayay ka socdeen dhalinyaradan, waxaana la baray casharo kala duwan sida: 1-Community Work (Iskaa Wax U Qabso ), 2-Lifeskill ( Xirfdaha Nolosha), 3-Vocational Training (Farsamooyinka), 4-Business (Maareeynka Ganacsiga), 5-Computer (Xirfadaha Computerka ), 6-First Aid (Gargaarka Deg Degga Ah).

Xoghayaha gobolka Benaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq ayaa ku bogaadiyey dhalinyaradan in xirfadaha la baray ay uga faaiideeyaan bulshada marka ay dib ugu laabtaan degmooyinkooda.

“Barnaamijka shaqeeyso waa mashruuc loogu tala galay in kor loogu qaado aqoonta dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinaca xirfadaha iyo farsamooyinka si ay u maareeyaan nololshooda, waxana gacan nagu siinaya Hey’adda UNHABITAT-Somalia”.Ayuu yiri Xoghaye Cumar oo ka hadlayay munaasabadda xiritaanka tababarka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com