Xoghayaha dawladda hoose ee magaalada Garoowe oo sheegay inay wadaan qorshayaal sare loogu qaadayo nadaafadda caasimada.

Garowe,Jan 12 -Dawladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa bilowday qorshe kor loogu qaadayo nadaafadda goobaha ay ku suganyihiin dadka barakacayaasha ah ee kunool gudaha iyo goobaha kabaxsan magaalada Garowe.

Qaasim Maxamed Cabdi oo ah xoghayaha dawladda Hoose ee degmada Garowe ayaa sheegay in kor loo qaaday nadaafadda goobaha dadka barakacayaasha ee kusugan goobaha ka baxsan magaalada,ayadoo loo sameeyay wadooyin iyo kor uqaadid nadaafadeed.

Waxaa uu sheegay dowladda hoose ee degmada Garoowe inay ku howlahantahay wax ka qabashada nadaafad xumo kajirta kaamka Shabeelle ee ku yaala magaalada Garoowe,ayna wadaan dadaalo loogu raraayo goobo magaalada kabaxsan.

Xoghayaha dowladda hoose ee magaalada Garoowe ayaa sidoo kale sheegay inay wadaan qorshayaal ay odayaasha xerada ugala hadlayaan sidii loogu rari lahaa duleedka magaalada Garoowe oo dhawaan qayb ka mid ah qoysaska barakacayaasha dib u dajin loogu sameeyay.

Bashiir Axmed Cabdi
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com