Xisbiyada siyaasadeed oo Muqdisho ku shiray kana hadlay arrimaha dalka.

Muqdisho, Feb 05 2017-Isbahaysiga Xisbiyada Soomaaliyeed, Xildhibaano Qaran, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada; Culumaa’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo dhalinyarada, oo shir ku yeeshay Magaalada Muqdisho, Hotel Maka Almukarama, iyagoo ka hadlay faragelinta qaawan ee doorashada Soomaaliya lagu hayo, iyo baahida loo qabo isbadal hogaamineed ayaa waxay Cadeynayaan kuna baaqayaan, iyagoo isku duuban:

1-Doorashada 2017, waa mid aad ugu muhim ah dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan kuna yeelan doonto saameyn ballaaran sanadaha 4-ta ah ee soo socda iyo ka dibba, sidaa darteed xildhibaanada Soomaaliyeed waa in ay dareemaan ahmiyada ay leedahay oo aysan sahalan waajibka ka saaran badbaadinta Soomaaliya.

2-Waxaa cad in dowlada Itoobiya ay ku hayso faragelin qaawan doorashada Madaxweyne ee 2017, iyadoo si cad u garab taagan Musharax gaar ah, taasoo dhaawacaysa madax-banaanida dalka, nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, taasoo xumeynaysa xiriirka labada shacab, horseedina karta in dib loogu laabto kacdoon shacab.

3-Waxan ugu baaqeynayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed iyagoo isha ku haya xaalada adag ee dalka ku jiro iyo dareenka shacabka Soomaaliyeed ee u heelan isbadal hogaamineed, kana damqanaya faragelinta shisheeye ee doorashada 2017, inay u codeeyaan soo saarista hogaan wadani ah oo ka turjumaya danaha dalkeena
.
4-Waxaan aad iyo aad ugu xunnahay in Madaxweynayaashii Maamul Goboleedyada intooda badan ay isku badaleen kuwa ka shaqeeya Ololaha Musharax gaar ah iyagoo dayacay shacabkii iyo degaanadii loo igmaday ayadoo lagu jiro xili abaareed.

5- Waxaan ugu baaqeynayaa UN, Maraykanka, EU, AU, Jaamacada Carabta, in masuuliyadooda taariikhiga ah qaataan xiligan oo ay ka hortagaan dadaalka ay itoobiya ku karkarineyso Mustaqbalka Soomaaliya taasoo wiiqaysa dadaalada nabadeed ee aduunku ka waday Dalka Soomaaliya.

6-Waxan dhiiri gelinaynaa Shacabka Soomaaliyeed in ay ku booriyaan xildhibaanada in ay ilaaliyaan Madaxbanaanida Soomaaliya, badbaadiyaan qaranimada Soomaaliya, oo ay u hiiliyaan isbadal hogaamineed in dalka ka dhaco, dhabarkana ay ka jabiyaan damaca Itoobiya.

7-Xaaladda Abaaraha ee adag darteed waxan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed in ay sii laba jibaaraan dadaalada gurmadka Abaaraha.

8-Waxan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Culumaa’udiinka ugu baaqeynaa in loo duceeyo Shacabka Soomaaliyeed in Abaaraha uu Ilaahay ka dul qaado, sidoo kalana Doorashada Madaxweyne ee Sanadkan Xildhibaanada ay doortaan hogaan samatabixiya dalka, horumar dhan walba ahna horseeda.

DHAMAAD

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com