Xisbiga Zanu-PF ee Zimbabwe oo xilkii ka qaaday Mugabe

Xisbiga Zanu-PF ee Zimbabwe oo xilkii ka qaaday Mugabe

Xisbiga haya talada dalka Zimbabwe ee Zanu PF ayaa xilkii ka qaaday Robert Mugabe, kadib kulan ay yeesheen, waxaana hogaamiyaha xisbiga loo magacaabay madaxwayne kuxigeenkii hore Emmerson Mnangagwa oo laba todobaad kahor xilka uu ka qaaday madaxwayne Mugabe.

Xilka ka qaadista Emmerson Mnangagwa ayaa ka dhashay inay militariga soo faragaliyaan siyaasaddda oo ay la wareegaan talada qaranka iyo xarumaha warbaahinta ee dowladda, xabsi gurina la dhigo madaxwaynihii mudada afartanka sano kudhwaad maamulayay wadanka Mr Mugabe.

Madaxwayne Mugaabe oo 93-jir ah ayaa waxaa loo balansanyahay inuu la kulmo hogaamiyeyaasha militariga, si’uu u go’aansado mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Dibadbadbaxyo waawayn ayaana ka socda wadanka Zimbabwe oo lagu dalbanayo inuu xilka ka dago madaxwayne Mugabe.

Xaaska madaxwaynaha wadanka Zimbabwe Grace ayaa sidoo kale laga eryay inay kusii jirto xisbiga, taasi oo markii hore oo qorsheeynayay Mugabe inuu ku badalo madaxwayne kuxigeenkii uu xilka ka qaaday.

 

 

 

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com