Xisbiga Waddani oo Xukuumadda MW Biixi ku eedeeyay in ay xireyso Dadka ka aragtida duwan.

Xisbiga Waddani oo Xukuumadda MW Biixi ku eedeeyay in ay xireyso Dadka ka aragtida duwan.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay in ay xirxireyso Dadka ka aragtida duwan & kuwa sheegay in muddo xileedkiisa uu dhammaaday 13kii November 2022.

Xoghayaha dhanka Warfaafinta ee Xisbiga Waddani Khaddar Xuseen Cabdi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Booliiska ay xabsiyada dhigeen Dad diidan “In muddo xileed sharci darro ah uu qaato Muuse Biixi” waa sida uu hadalka u dhigay.
Advertisement

Khadar ayaa tilmaamay in dhabbaha ay Xukuumadda qabatay aanay u wanaagsaneen Somaliland oo haatan ay ka jiraan xasilooni, nabadgalyo & kala dambeyn ka dhalatay nidaamka ay ku heshiiyeen.

“Maanta Caburinta & Caga-jugleynta ayaa halkii ugu sarreysa mareysa, Burco ayaa u dambeysay oo 60 Dhalinyaro ah laga soo xidhay, maanta dadka waa la iska xidhaa tii oo aanay sharci loo eegeen, waxa aynu arkeynaa saraakiil Booliis ah oo faashash suuqyada la dhex socda oo muwaadiniin ku waab-waabineysa amaba ku gujineysa” Khadar Xuseen Cabdi.

Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka Waddani ayaa saraakiisha Ciidanka hoggaamineysa gaar ahaan Booliiska uga digay in ay dhibaateeyaan Dadka Shacabka iyada oo muran weliba ama kala aragti duwanaan kasta lagu xalin karo in la raaco dhabbaha Dastuurka.

Muran-siyaasadeedka ka dhex jira Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi & Xisbiyada Waddani & UCID ayaa muddooyinkii dambe soo shaacbaxayay, axsaabta mucaaradka ayaa 13kii November 2022 ku dhawaaqay in ay sharci ahaan ay siman yihiin Biixi oo ku guuldareystay in uu qabto Doorasho.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com