Xiriirkii Ruushka & Soomaaliya oo soo laabtay

HomeWararka

Xiriirkii Ruushka & Soomaaliya oo soo laabtay

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u rajeeyay Soomaaliya in ay guulo ay ka gaarto dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee ka dagaalama dalka

Weerar lagu dilay dad u badan Injineero oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari Kenya
Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Ciidamada dawladda federaalka, AMISOM iyo kuwo Galmudug dagaal kula galay Alshabaab deegaanno koonfurta ka xiga Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa u rajeeyay Soomaaliya in ay guulo ay ka gaarto dagaalka ay kula jirto kooxaha hubeysan ee ka dagaalama dalka dhaca Geeska Afrika.

Dowladda Soomaaliya waxay qaadaysaa tillaabooyin firfircoon oo lagu xoojinayo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka, la dagaallanka argagixisanimada iyo xagjirnimada, waxayna raadineysaa inay abuurto xaalado soo nooleyn dhaqan-dhaqaale,” ayuu yiri Putin.

Safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Ruushka, Xasan Cabdi Daa’uud ayaa Arbacadii shalay waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Putin.

Safiirka Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha Ruushka ayaa ka wada hadlay rajada laga qabo in la sii horumariyo xiriirka laba geesoodka ah, waxaana ay xaqiijiyeen in Moscow iyo Muqdisho ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga labada dal, oo ay ku jiraan dhinacyada siyaasadda, ganacsiga iyo dhaqaalaha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: