Xiliga la Qabanayo xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland oo la Shaaciyay

Talaado, September 01, 2015 (Daljir) — 12-ka bishan september sanadka 2015 ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Dowladda Jubbaland ay ka dhacdo xaflad aad u ballaaran oo lagu caleemasaarayo madaxweynaha la doortay ee dowladda Jubbaland mudane Axmed Madoobe.

Yaa ka soo qeybgeli doona xafladan aadka u ballaaran ee lagu caleemosaarayo madaxweynaha Jubbaland?

Raysal Wasaare Cumar Cabdirshiid, Madaxweyne Xasan Sheikh, Gudoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed, Wasiirada Arimaha Dibada Itoobiya iyo Kenya, Wafdi ka socda IGAD, Beesha Caalamka, sida UN-ta midowga yurub ayaa gabi ahaan kasoo qayb gali doona xafladda Caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe oo lagu wado in ay dhaco 12 bisahn september 2015, haduu Alle idmo.

Jubbaalnd oo si buuxda u fulisay dhammaan waxyaabihii uu farayay heshiiskii taariikhiga ahaa ee Addis Ababa.

Heshiiskii 28 Ogoosto 2013 Addis Ababa ku dhex maray Dowlada Federaalka Muqdisho iyo Jubbaland, islamarkaana uu garwadeenka ka ahaa Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya mudane Dr.Tedros Adhanom Ghebreyesus, isaga oo ka wakiil ah beesha caalamka, ayaa waxay labada dhinac ku kala saxiixdeen heshiis ka koobnaa ilaa 9 qodob, waxana meel marintiisa balan qaaday IGAD iyo Dowladda Itoobiya.

Qodobadaas lagu heshiiyey ayaa dhigayay in Maamulkii xilligaas jiray uu jiri doono 2 sano, iyada oo labadaa sano loogu yeeri doono maamul ku meel gaar ah, waxaa sidoo kale labadaa sano looga fadhiyay in uu fuliyo qodobada lagu heshiiyay, dabcan wixii si gaar ah u khuseeya dhanka Jubbaland. Labadaas sano ka dib Jubbaalnd waxay noqoneysaa Dowlad goboleed xibin buuxda ka ah “Dowladda dhexe).

Hadaba Labadii sano ee lasoo dhaafey Madaxweyne Axmed Madoobe iyo TEAM kiisu waxay ku guuleysteen iney fuliyaan dhamaan sharuudihii lagu xirey, iyadA oo IGAD,Itoopia iyo beesha caalamkaba ay mar walba dusha kala socdeen taaba galinta heshiiiskaas.

Isku soo xooriyoo, xafladda caleemosaarka madaxweynaha la doortay ee Dowladda Jubbaalnd mudane Axmed Maxamed Islaam (Madobe) waxay qeyb ka taahy dhameystirka heshiiskii Addis Ababa iyo in Muulmulkii la oran jiray Jubba ee ku meel gaarka ahaa u xuubsiibtay Dowlada Jubbaland ee Soomaaliya.

DM

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com