Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya oo taageeray warmurtiyeedkii urur goboleedka IGAD uu kasoo saaray khiilaafka baarlamaanka.

Muqdisho,Jan 10 -Xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxaa ay kusoo dhoweeyeen war murtiyeed kasoo baxay urur goboleedka IGAD oo tilmaamayay inaysan waxba ka jirin doorashadii gudoomiyaha baarlamaanka ee ka dhacday Muqdisho.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka mid ah mudayaasha baarlamaanka ee taageersan gudoomiye Shariif Xasan ayaa waxaa uu sheegay inuu soo dhoweynayaan go’aankii urur goboleedka IGAD uu ka qaatay khilaafka ka dhextaagan xubnaha baarlamaanka ee la xiriirta doorashada xildhibaan Madoobe Nuunow ee loo doortay inuu boqdo gudoomiyaha baarlamaanka iyo xilka qaadistii Shariif Xasan.

Xildhibaanada kulanka yeeshay maanta ayaa dhanka kale tilmaamay inay bilaaban doonaan hwolihii iyo kulamadii looga fadhiyay baarlamaanka inuu yeesho iyadoona uu shir gudoomin doono gudoomiye Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Khilaafka ka dhexjira baarlamaanka Soomaaliya ayaa sii xoogaystay kadib markii xildhibaanada qaarkood gudoomiye baarlamaan ay u doortayn xildhibaan Madoobe Nuunow kadib kulamo gacan ka hadal kusoo dhamaanayay oo xubnha iska soo horeeja ee baarlamaanka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com