Xildhibaano ka soo jeeda gobollada Baay iyo Bakool oo eedeyn kulul u jeediyey Puntland.

Muqdisho, Sept, 12 – Xildhibaanno ka tirsan dawladda Federalka kana soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ayaa dawladda Puntland ku eedeeyey inay isir sooc ku samaysay dadka ka soo jeeda gobolladaas eek u dhaqan deegaanada Puntland.

Xildhibaan Maxmed Ibraahim Xaabsade oo ka mid ahaa xildhibaanadaasi ayaa sheegay in Puntland ay hadda ku xiran yihiin in ka daban 1,200 oo qof, lana dilay kudhawaad 150 kale oo dhammaan ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool.

Xildhibaan Madoobe Nuunaw Max?ed oo isna ka mid ahaa xildhibaanada hadlay ayaa sheegay inaysan ka qaybgaleyn shirka wadatashiga arrimaha Soomaaliya ee wajigiisa labaad lagu wado inuu ka dhaco magaalada Garoowe,sababtuna tahay eedeeyn taasi.

Dhinaca kalena wasiirka amniga ee dawladda Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa u sheegay idaacadda VOA in arrintaasi tahay wax kama jiraan ayna dadka gobolladaasi ka soo jeeda ay si xorriyad ah ugu nool yihiin Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in xildhibaanadu ay ku fududaadeen hadalkaasi ayna tahay inay fahmaan inay yihiin xildhibaano qaran ee aysan ahayn xildhibaanno qoys.

Kumanaan ka mid ah dadka ka soo jeeda gobolada Baay iyo Bakool ayaa deggan deegaanada Puntland kuwaas oo isugu jira qaar deggan xeryaha barakacayaasha iyo qaar kale oo si caadi ah uga xoogsada magaalooyinka.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com