Xildhibaano ka hor-yimid go’aan ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha Puntland

Xildhibaano ka hor-yimid go’aan ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha Puntland

Xildhibaan Maxamuud Mashruuc oo kamid ah Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay Go’aanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa sheegay in go’aankaas mamnuucista ah uu yahay mid ka hor imaanaya Dastuurka Soomaaliya,isla markaana Kala duwanaashaha fikirka nooca doorashada dalka ka dhici doonta 2020 aysan Puntland u adeegsan karin is hor taagga xuquuda matalaadda xubnaha Baarlamaanka Federalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Dhoorre oo kamid ah golaha wakiillada Puntland ayaa dhankiisa sharci-darro ku tilmaamay Go’aanka Wasaaradda Arrimaha gudaha Puntland, waxaana uu ugu baaqay Wasaaradda inay ka laabato warqadda joojinta xafiisyada ay Puntland ka furteen Xubno katirsan golaha Wasiirada Soomaaliya.

Si kastaba khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland ayaa saameeyey howlihii Shaqo ee labada dhinac,waxaana Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xildhibaan sadiiq Warfaaf uu Xafiiska ka furtay deegaannada Puntland sanadkii 2017 halka Wasiirka Qorsheynta uu isna furtay Maalin ka hor.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • waxaaa nasiib daro ah in an mantay ad soo bahisaaan shakhsi calooshee u shaqaysta ah oooo si ysada dalka lacag u galay inu mantay dhakeeceeyo wasardii kaliya ee shaqaynaysay

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com