Site icon Radio Daljir

Xildhibaano Galmudug ka tirsan oo ka hadlay qaadista lacagaha taakulaynta

Xildhibaan Cabdi Sugulle Guuleed iyo Xildhibaan Liibaan Cabdi Cali oo
kamid ah Baarlamaanka Galmudug oo soo booqdey Radio Daljir ayaa
sheegay in Guddiga Xasilinta degmadda Caabudwaaq ay marin habaabiyeen
sidii loogu talagalay qaadista lacagta Taakulo ama Canshuurta

Xildhibaanadaan ayaa sheegay in Koox gaar ah lacagta laga qaado
Bulshada ay jeebkooda ku shubtaan si Musuq Maasuq ah halkii laga
doonayay in Bulshada dib loogu cesho Waxna looga qabto
Nadaafadda,Waxbarashada,iyo Mushaarka Ciidmada amniga

Ugu dambayntii ayaa Xildhibaanadaan waxaa ay Bulshada Caabudwaaq ugu
baaqeen in aysan Bixinin Lacagta Taakulo inta laga helayo Xisaab Celin
mudadii Halsano ahayd ee ay soo qaadayeen Cashuurta Guddiga
Xasilinta

https://zeno-devlab.s3.amazonaws.com/media/47591/5c928b5d0101004d3972bb05/Codka+Xildhibaanada+Galmudug+ee+kusugan+Caabudwaaq+kana+hadlay+Lacagta+Taakulo.MP3?_=1
Exit mobile version