Xildhibaanadda Barlamaanka Somaaliya oo Kulan muhiim ku yeelanaya Aqalkooda iyo baritaano ay marayaan (Sawiro)

Xildhibaanadda Barlamaanka Somaaliya oo Kulan muhiim ku yeelanaya Aqalkooda iyo baritaano ay marayaan (Sawiro)

Xildhibaannada Golaha shacabka Soomaaliya ayaa saaka leh labo ajende oo kala duwan,waxaana ay saaka wajahayaan baaritaan.

Xildhibaannada ayaa lagu baarayaa banaanka waxaana baaritaanka qeyb ka ah Ciidamo ajennabi ah oo wata Eeyo Baaraya gaadiidka ay wataan Xildhibaannada golaha shacabka.

Xildhibaannada qaar ayaa saaka doonaya in ay xilka ka qaadaan Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,halka kuwo uu Jawaari hoggaaminayana ay doonayaan in ay saaka ka doodaan sohdinta Kenya iyo Soomaaliya gaar ahaan Beledxaawo.

Lama garanayo sida ay ku suurta geli karto in labadaas Ajende ay hal xarun ka dhacaan,waxaana taagan walaac badan oo la xiriira amaanka Xildhibaannada iyo gacan ka hadal iyaga dhexdooda dhexmara.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com