Xildhibaanada Somaliya oo lagu Eedeeyay waxqabad la’aan

Bacaadweyn, 07-March, 2016 -(Daljir)Xildhibaan hore Cali Maxamuud Seeko oo kamid ahaa baarlamaankii hore ee dawladdii KMG ahayd ayaa si kulul u dhaliilay waxqabadka baarlamaanka hadda jira, wuxuuna ku sifeeyey in aysan waxba qaban mudadii ay joogeen Kuraasta baarlamaanka Soomaaliya.
 
Seeko ayaa sheegay in ay hadda Xildhibaanadaas dadaal ugu jiraan sidii ay ugu soo laaban lahaayeen boosaska Xildhibaano, wuxuuna sheegay in aysan Soomaaliya aqbali karin arrinta ah in markale ay soo laabtaan baarlamaankii kalkii dhaweyd.
 
Xildhibaan hore wuxuu cadeeyey in shaqadii laga rabey oo ahayd in ay La xisaabtamaan Hay’addaha dawladda ay u rogeen arrimaha ku saabsan hor istaag Xukuumadeed iyo waxqabad ay sameyn lahaayeen, taas bedelkeedana ay xooga saareen burburinta wixii Xukuumad waxqaban lahayd.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com