Xildhibaanada Puntland oo ka digay doorashooyinka Somaliland (dhegayso)

Xildhibaanada Puntland oo ka digay doorashooyinka Somaliland (dhegayso)

Golaha baarlamaanka ee Puntland ayaa markii u horaysay ka hadlay dhaqdhaqaaqyada Somaliland ay ku doonayso inay doorashooyinkeeda guud ay ku qabato gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo dastuurka Puntland dhigayo inay yihiin gobolo katirsan Puntland.

Waa markii u horaysay oo ay golaha wakiilada Puntland ay ka hadlaan xaaladda deegaamadaasi oo qaybo ka mid ah ay Somaliland keentay sanaadiiqda doorashooyinka, sidoo kalena ay ka socdaan ololaha doorashooyinka ee ay wadaan xisbiyada Somaliland.

Golaha wakiilada Puntland ayaa dowladda Puntland ku canaantay inay wax ka qabato oo ay xil iska saarato deegaamadaasi oo ay xukuumadda u dhaaratay inay ilaalinayso.

Xubno ka mid ah golaha wakiilada Puntland ayaa uga waramay mowqifkooda iyo go’aamada ay kasoo saareen wariyaheena Axmed Sheekeeye.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com