Xildhibaanada kasoo jeedda Koonfur Galbeed oo baaq u diray Guddoomiye Jawaari (dhegayso)

Xildhibaanada kasoo jeedda Koonfur Galbeed oo baaq u diray Guddoomiye Jawaari (dhegayso)

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee kasoo jeedda degaanada maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho waxa ay ugu baaqeen Guddoomiye Jawaari in uu xilka ka dego.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in Guddoomiye Jawaari ay ka doonayaan in uu tixgaliyo codsigooda Maadaama ay kasoo jeeddaan isku gobol ayna ka codsanayaan in uu iscasilo.

Waxa ay sheegeen in xildhibaanada Mooshinka keenay ay ka badan yihiin 200,islamarkaana inta uusan hortagin baarlamaanka in laga doonaayo in uu codsigooda tixgaliyo.

Xildhibaanada kulanka yeeshay ayaa u muuqday kuwo Caddaadis saaraayay Guddoomiye Jawaari oo sheegay in uu doonaayo in Mooshinka laga keenay la horgeeyo Baarlamaanka.

Xiisadda u dhaxeysa Golaha Shacabka ayaa sii xoogeysatay maalmihii lasoo dhaafay,iyadoona Guddoomiye Jawaari uu sheegay in uu aqbalay Mooshinka laga keenay, lana doonaayo in sifadda Sharciga ah la marsiiyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com