Xildhibaanada Golaha deegaanka Gaalkacyo oo Guddoomiye ku xigeen cusub doortay

Arbaco, May 20, 2015 (Daljir) — Xildhibaannada golaha deegaanka degmada Gaalkacyo ayaa maanta cod u qaaday labo musharrax oo u tartamayay ku-xigeenka duqa degmada Gaalkacyo,kaddib markii uu dhawaan is casilay ku-xigeenkii hore.

Xilka ku-xigeenka guddoomiyaha golaha deegaanka ahna ku-xigeenka duqa degmada waxaa u tartamay labo musharrax oo kala ah,Maxamed Maxamuud (Afjar) iyo Maxamed Jaamac Faarax.

Mas’uuliyinta giobolka,kuwa degmada,saraakisha ciidanka iyo xubno ka socday bulshada qaybaheeda ayaa ka qayb-galay doorasha duq ku-xigeenka degmada Gaalkacyo oo xarun u ah gobolka Mudug.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada waxaa ku guulaystay, Maxamed Maxamuud (Afjar) oo helay afar iyo tobon cod (14-cod) halka musharaxa kale ee la tartamay,Maxamed Jaamac Faarax uu helay kaliya sagal cod (9-cod).

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug,Axmed Muuse Nuur ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijada codka ay kala heleen labada musharrax,waxuuna sheegay ku-xigeenka duqa degmada inuu yahay,Maxamed Maxamuud (Afjar).

Axmed Muuse ayaa kula dar-daramay guddoomiye ku-xigeenka cusub inuu noqdo mid shaqada degmada ka sii wadda meesha ay xilligan marayso.
Ku-xigeenka cusub ee duqa degmada ayaa dhankiisa u mahadceliyay xildhibaannada golaha deegaanka iyo masharraxa la tartamayay waxuuna sheegay inuu ku dadaallayo sidii uu ula iman lahaa shaqo muuqata.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada,Yacquub Maxamed Cabdalla ayaa iska casilay xilka,sabab uu ku sheegay inuusan u suuroobin ballan-qaadkii uu sameeyay inuu fuliyo.

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com