Site icon Radio Daljir

Xildhibaanada Barlamaanka Somaaliya oo kulan maanta ku yeelanaya Muqdisho

Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Kulamada Golaha Shacabka ayaa waxaa ku yimid hakad ka dib markii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay galeen Fasax Bishii Ramaddaan.

Ajendaha kulanka ayaa ah akhrinta 1-aad wax ka bedelka sharciga Iibka Qaranka.

Ololaha Mooshinka laga diyaarinaayo Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey ayaa si weyn u xoogeystay maalmihii ugu dambeeyay , waxaana socday kulamo Madaxtooyadda ay ku lahaayeen xildhibaanada Mooshinka wadda.

Exit mobile version