Kulan ay maanta ku yeesheen xarunta golaha Shacabka xildhibaanada baarlamaanka Federalka ayaa lagu ansixiyay sharciga Maareynta Maaliyadda.
Shirkan oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa 141-Xildhibaan.
Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa ugu horeyn cod geliyay Sharciga maareeynta maaliyadda Oo ay soo gudbisay Wasaaradda Maaliyadda,kaasoo horey laba Akhrin usoo maray.
Waxaa Codka haa ku ogolaatay 135 xildhibaan, 6-Xildhibaan mudane ayaa diiday mana jirin xildhibaan ka aamusay,sida uu natiijada codeynta uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Dhigaal Cusub
« Wasiirka Shaqada Sadiiq Warfaa oo kala hadlay mas’uuliyiinta Jarmalka sidii dib loogu furi lahaa dugsiyada farsamada gacanta iyo machadka Sidam
« Wasiirka Shaqada Sadiiq Warfaa oo kala hadlay mas’uuliyiinta Jarmalka sidii dib loogu furi lahaa dugsiyada farsamada gacanta iyo machadka Sidam