Xildhibaanada aqalka sare oo doortay gudoomiye iyo ku-xigeenkiisa Kowaad.

Muqdisho, Jan 22 2017- Waxaa xarunta Aqalka sare lagu soo gabo gabeeyay Doorashada Gudoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanaka Soomaaliya, waxaana doorashadan ku tartamayay labo Xildhibaan oo katirsan Aqalka sare.

Xildhibaanada maanta wax dooranayay ayaa gaarayay 52- Xildhibaan , waxaana doorashadan ay aheed hal wareeg kaliya, waxaana kusoo baxay Xildhibaanka helayay coddakii ugu badnaa.

Shabakada Allbanaadir ayaa si horudhac ah u ogaatay in Doorashada Gudoomiyaha Aqalkla sare ku guuleestay Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulahi oo helay codad gaaraya 43-Cod halka Xildhibaan Mustafa Maxamamud Qodax uu isna helay 9-cod

Dhanka kalena doorashada Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan ayana lagu soo gaba gabeeyey xarunta kumeel gaarka ah ee barlamaanka aqalka sare.

Doorashada kursigan oo aheed mid aad u adkeed wareeg sedexaadna loo gudbay ayaa ugu dambeyn waxaa ku guuleestay Xildhibaan Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari) oo helay 30 halka Musharaxa Dhag dheer uu helay 22-cod

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com