Xildhibaan Xidig oo ka hadlay ishortaag lagu sameyeey

Xildhibaan Xidig oo ka hadlay ishortaag lagu sameyeey

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa ka hadlay is hortaag Maamulka Jubbaland uu ku sameeyay dadweyne ku soo dhaweyn lahaa garoonka magaalada Kismaayo.

Taageerayaal doonayay inay ku soo dhoweeyaan Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xiddig garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo oo isku diyaariyay iney gudaha u galaan garoonka diyaaradaha Kismaayo si ay ugu soo dhaweeyaan magaalada.

Xiddig oo gaaray Kismaayo, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxa uu ku sheegay in Ciidamada amniga Jubaland fuliyeen awaamiir ka soo baxday Hoggaankooda, isagoo ku amaanay sida wanaagsan ee ay ula dhaqmeen taageeryaashiisa.

“Waxaan bogaadinayaa ciidamada Amniga ee Jubaland oo si ixtiraam badan ula dhaqmay shacabka anigoo huba inaysan raali ka ahayn sida shacabka loola dhaqmay balse fuliyay amarkii lasiiyay, Markale Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasheyda gudaha iyo dibada inay u hogaansamaan tilmaamaha heyadaha Amniga kuna ekaadaan goobahooda” ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Waxa uu sheegay inuu lug kaga soo baxayo garoonka Kismaayo ilaa uu ka galo gudaha magaalada, isagoo arintaasina sabab uga dhigay hab dhaqankii lagu sameeyay dadkii saaka isu diyaariyay iney uga hortagaan Garoonka, si ay ugu muujiyaan iney taageersanyihiin musharaxnimadiisa.

“Mahad gaar ah Waxaan u celinayaa Shacabka reer Jubaland ee maanta u diyaar garoobay soo dhaweyntayda balse laga hor istaagay waxaan markale ugu baaqayaa inay is dejiyaan una hogaansamaan heyadaha Amniga, Waan hubaa inay tahay maalin taariikhi ah oo shacab Caleemo Qoyan wata laga hor istaago soo dhaweynta Murashaxooda Madaxweynaha Jubaland 2019” ayuu yiri Xiddig.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com