Xildhibaan sheegay in la dayacay Magaaladda Boosaaso.(Daawo)

Xildhibaan sheegay in la dayacay Magaaladda Boosaaso.(Daawo)

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xaraf oo kamid ah Mudanayaasha golaha wakiilada Puntland kana tirsan gudiga xuquuqul insaanka golaha wakiilada ayaa hadlay baahiyo badan oo ka jira magaalada Bsoaso kadib kormeer ay ku tageen saldhigyada magaalada, xafiisyada dowladda iyo saldhiga weyn ee magalaada Bosaso.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wasaaradaha dowladda intooda badan aysan xafiisyo ku lahayn magaalada Bosaso, isla markaana aysan ka howl gelin magalaada, iyadoo ay iska fadhiyaan magalaada Garoowe.

Xildhibaanka waxa uu intaasi ku daray in maxkamaddii umadda u shaqeynaysay ay ku shaqeyso mid ka mid ah saldhigyada magaalada, taasina aan la aqbali karin.

Hoos ka daawo Hadalka Xildhibaanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com